Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed

Recommended Posts

Deeq A.   

 Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed  Soomaaliya, oo maalmahan safar shaqo ku joogay Muqdisho.

Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Roobe iyo Guddoomiye Cali Siciid Fiqi, oo kulan gaar ah ku yeeshay Xafiiska Ra’iisul wasaaraha, ayaa uga wada-hadlay Arrimaha Doorashada iyo doorka kaga aaddan Koonfur Galbeed.

Labada mas’uul, waxay hoosta ka xariiqeen muhiimadda ay leedahay in dalka ay ka dhacdo doorasho hufan oo lagu wada qanacsanyahay, islamarkaana wakhtigeeda ku qabsoonta.

Sidoo kale, waxay ka wada-hadleen in la xoojiyo wada-shaqaynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Ra’iisul wasaare Rooble oo kulan gaar ah la yeeshay Guddoomiyaha Baarlamanka Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this