Sign in to follow this  
Deeq A.

Shil Khasaare gaystay oo ka dhacay laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Dangoroyo

Recommended Posts

Deeq A.   
sawir-hore.jpg?resize=640%2C480&ssl=1Sawir hore

Laba ruux ayaa ku geeriyooday shil gaari oo gelinkii dambe ee Xalay ka dhacay laamiga u dhexeeya Caasimadda Garoowe iyo degmada Dangoroyo oo ka tirsan Gobolka Nugaal.

Gaari nooca raaxada ah oo ay wateen laba nin oo keliya, ayaa ku rogmaday nawaaxiga tuulada Sinujiif oo u dhexaysa degmada Dangoroyo iyo magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland, sida ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Shilka waxa ku dhintay labadii nin ee gaariga watay, kuwaas oo magacyadooda lagu sheegay Maxamed Cali Xasan iyo Maxamed Qudde, waxaana gebi ahaanba burburay gaariga rogmaday.

Laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Boosaaso oo ah mid kor u dhisan, islamarkaana meelaha qaarkood saddex mitir dhulka ka sarreeya ayaa khasaarihiisu bataa mar kasta oo shil gaari ka dhaco.

Sidoo kale, waxa jirta in burburka meelaha qaarkood laamigaas gaaray uu sababo shilal kala duwan oo ka dhaca gaar ahaanna xilliyada roobka.

PUNTLAND POST

The post Shil Khasaare gaystay oo ka dhacay laamiga u dhexeeya Garoowe iyo Dangoroyo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this