Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo dil ka geystay Gaalkacyo & howlgallo ka socda

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay magaalada Gaalkacyo, gaar ahaan dhinaca Puntland lagu dilay nin ka mid ahaa dadka deegaanka.

Kooxo ku hubeysnaa Bistoolado ayaa la sheegay inay marxuumka dileen xilli uu ku sugnaa gudaha masjidka Abuu Hureyra ee magaaladaasi.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Siciid Jaamac Kulan (Siciid Maradona), kaas oo la sheegay inuu ahaa Taksiile caan ka ah waqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daray in kooxihii ka dambeeyey dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen falka kadib, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka.

Laamaha amniga ee dowlad goboleedka Puntland ayaa sidoo kale saaka wada baaritaano dheeraad ah oo ku aadan dilkaasi.

Muddooyinkii u dambeeyey ayaa waxaa gudaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ka dhacayey falal ammaan darri oo u badan dilal qorsheysan.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this