Deeq A. Posted October 10, 2020 Wakiillo ka kala socda dowladaha Azerbaijan Armenia iyo ayaa wadahadallo waxaa uga bilowdeen magaalada Moscow ee caasimadda dalka Ruushka, kuwaas oo rajo laga qabo in lagu soo afjaro dagaalka labada wadan. Ciidamada Milatariga labada Azerbaijan iyo Armenia ayaa isku hor fadhiya jiidda gudaha iyo daafaha magaalada la isku hayo la haanshaheeda ee Karabakh, taas oo doodeedu taagneyd muddo 25 sano ah. Dagaalka labada wadan ayaa galay maalintii 14- naad, iyadoo Moscow ay isku dayeyso sidii labada dowladoow ay isugu soo dhowaan lahaayeen loona dhameyn lahaa colaadda u dhaxeysa Armenia iyo Azerbaijan. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites