Sign in to follow this  
Deeq A.

Itoobiya oo marti-gelineysa shir looga hadlayo arrimaha qaxootiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Dalalka Bariga iyo Geeska Afrika waxay martigelinayaan qaxooti gaaraya 3.5M, waxaana dowlada Itoobiya ay martigalinaysaa Shir ku saabsan Sida qaxootigani si joogto ah loogu dari karo bulshooyinka maxalliga ah.

Shirkaan ayaa inta badan waxaa ka qeyb gali doona dalalka ku yaalla geeska Afrika waxaana uu Magaalada Aaddis ababa ka dhici doonnaa Oktoobar 31st – Nofeembar 1.

Shirkaan ayaa lagu waddaa in ay ka qeyb galaan wakiilo ka socda dowladaha Kenya, Uganda, Somalia, Ethiopia, Djibouti, Sudan, iyo South Sudan si xal buuxa looga gaaro qaxootiga dalalka Geeska Afrika ku dhibaateysan.

Waxaa sidoo kale taageeri doonnaa Shirkaan Hay’addaha Qaramada Midoobey iyo dowladaha Yurub.

Dalalka Geeska Afrika ayaa lagu dhaliilaa in aysan inta badan fulin heshiisyadda caalamiga ah ee ku saabsan ilaalinta Qaxootiga.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this