Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Cuba oo Kenya kala hadashay xaaladda dhaqaatiir looga heysto SOOMAALIYA

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Dowladaha Cuba iyo Kenya ayaa markale ka wada-hadlay arrimo ku aadan dhaqaatiir sanad ka badan u afduuban kooxda Al-Shabaab.

Wada-hadallada ayaa yimid, kadib markii madaxweynaha dalka Cuba Miguel Díaz-Canel oo xiriir dhanka taleefanka ah la soo sameeyey dhiggiisa dalka Kenya, Uhuru Kenyatta.

Díaz-Cane iyo Kenyatta ayaa ka wada-hadlay xaaladda iyo xorriyadda labo dhaqtar u dhashay dalka Cuba.

“Waxa aan wadahadal taleefoon oo miro dhal ah la yeeshay Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta, innaga oo is weydaarsanay arrimaha Dhaqaatiirta iyo qodobo kale,” ayaa lagu yiri war qoraal ah oo la soo dhigay barta f witter-ka ee madaxweyne Miguel Díaz-Canel.

Dowladda Cuba ayaa dadaal xoogan ku bixineysa sidii ay u soo bad-baadin laheyd dhaqaatiirtaasi oo haatan la sheegay inay Al-Shabaab uga faa’iideystaan daaweynta dagaalyahandooda ku soo dhaawacma dagaallada ay wado, ama kuwa ka xanuunsan.

Assel Herrera iyo Landy Rodriguez oo takhasulkoodu yahay Qalliinka iyo daaweynta ayaa bishii April ee sanadkii 2019-kii laga soo qafaashay qeybo ka mid ah gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya, waxaana tan iyo xilligaas ay gacanta ugu jiraan dagaalyahanada dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab ee ka dagaalama gudaha Soomaaliya iyo qeybo ka mid ah Kenya.

The post Dowladda Cuba oo Kenya kala hadashay xaaladda dhaqaatiir looga heysto SOOMAALIYA first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this