Sign in to follow this  
Deeq A.

Meydka Ra’iisul wasaarihii hore Soomaaliya oo la keenay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimadda Online) – Meydka ra’isul wasaarahii hore Soomaaliya Cali Khaliif Galeyr oo khamiistii ku geeriyooday dhulka ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa laga soo dajiyay garoonka Aden Cadde Internional.

Galeyr oo noqday ra’isul wasaarahii 8-aad oo ay Soomaaliya yeelato ayaa ka mid ahaa xukuumadii Cabdi Qaasim Salaad Xasan ee lagu soo dhisay Jabuuti, wuxuuna xilka hayay muddo hal sano ah.

Cali oo mudooyinkii ugu dambeeyay u ololeynayay xaqqa Khaatumo State ayaa ku sugnaa Jig-jiga, waxaana jira warar kala duwan oo kasoo baxaya sababta geeridiisa, inkastoo la sheegay iney tahay COVID19.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ku sugnaa garoonka Aden Cadde, waxaana la rajeynayaa in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho.

The post Meydka Ra’iisul wasaarihii hore Soomaaliya oo la keenay Muqdisho first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this