Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Muqdisho kaga qayb-galaya aaska marxuum Cali Khaliif Galaydh

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, ahna ku simaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan Axmed Karaash iyo wefdi uu hoggaaminayo, oo ka tirsan Golayaasha Dowladda Puntland, ayaa saaka oo Sabti ah ku wajahan magaalada Muqdisho.

Madaxweyne ku xigeenka iyo wefdigiisa, ayaa Muqdisho kaga qayb-galaya aas Qaran oo halkaasi loogu samaynayo Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka marxuum Cali Khaliif Galaydh, oo maalin ka hor ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta Dowlad degaaanka Soomaalida Itoobiya.

Aaska Marxuumka waxa sidoo kale ka qayb-galaya Madaxda ugu sarraysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka tirsan Golayaasha heer Federaal iyo siyaasiyiin miisaanleh oo hore xilal uga soo qabtay dalka.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Muqdisho kaga qayb-galaya aaska marxuum Cali Khaliif Galaydh appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this