Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya uu hambalyaysay Hay’adda Cuntada Aduunka

Recommended Posts

Deeq A.   

Siihayaha Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamsa Sacid Xamsa ayaa hambalyo u diray Barnaamijka Cuntada Aduunka Qaramada Midoobay ee WFP oo sanadkan 2020-ka ku guuleystay Abaalmarinta Caalamiga ah ee Nabadda ee loo yaqaano Nobel Peace Prize.

Aniga oo ku hadlay magaca Dowladda Soomaaliya, waxaan hambalyo u dirayaa WFP dadaalka xooggan oo ay sameeyeen ee dhinaca naf badbaadinta iyo ka hortagga macluusha, iyadoo ay jirto duruufaha gaarka ah eek a dhashay COVID-19” ayuu yiri Wasiir Xamsa.

Hey’adda cuntada adduunka ee WFP ayaa intii ay colaadaha ka jireen Soomaaliya, waxa ay sii waday dadaallada gurmadka, iyado oo bixineysay gargaar beni’aadannimo oo cunto ah, isla markaana taageereysay dadka nugul sida haweenka iyo caruurta.

Inkasta oo shaqada ugu badan ee hey’adani ahayd gargaarka, hadana howlaha ay sameysay ayaa wax weyn ka taray xoojinta iyo abuurista fursad xasilooni iyo nabad iyo in laga baaqsado in gaajada noqoto hub lagu horiyo colaadaha.

Inti uu jiray COVID-19 oo ay inoo wehlisay xaaladaha sida fatahaado ka dhacay meelo ka mid ah dalka, WFP waxay Dowladda Soomaaliya ka taageertay in la caawiyo malaayiin Soomaali ah oo qatar ugu jiray macluul” ayuu hadalkiisa ku daray Xamsa Sacid Xamsa.

1-5.jpg?resize=829%2C904&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya uu hambalyaysay Hay’adda Cuntada Aduunka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this