Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweenay Shaqaale diyaaradeeda oo qaab yaab badan daroogo ku gelin jirtay dalka Australia+Sida loo qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

maleysnarko.jpg

Booliska dalka Australia ayaa gacanta ku dhigay sano hore haweeney Maleysian ah taas oo ka shaqeyneysay mid ka mid ah diyaaradaha rakaabka islamarkaana qaab yaab badan u gelin jirtay dalkaasi daroogada.

Haweeneydan oo lagu magacaabo Zailee Hana Zainal (40-jir) ayaa u shaqeyneysay shirkadda diyaaradaha Malindo Air, waxaana ay daroogada loo yaqaan Haroin-ta ay soo galin jirtay kastuumada iyo rajesiinkeeda naasaha lagu celiyo.

Maxkamad ku taal gobolka Victoria oo lasoo taagay ayaa ku xukuntay sagaal sano oo xabsi ah, waxaana ay maxkamadda ka dhex sheegtay in arrintani ay ku kaliftay duruuf dhaqaale maadaama ay haysato gabar yar oo xanuunsan.

maleysnarko1.jpg

Tiro 20-jeer ayay maxkamaddu sheegtay in ay qaabkan daroogada kusoo gelisay dalka Australia.

Waxaa kaloo ay maxkamaddu sheegtay in muddo saddex bilood ah ay haweeneydani u tababaraneysay in ay qaabkan ay daroogada usoo geliso iyada oo aan laga fahmeyn dhanka socodka.

Waxa ay sheegtay in eysan waligeed cunin daroogo islamarkaana ruuxii usoo dhiibi jiray uu kula heshiiyay in uu siinayo lacag kun iyo boqol dollar u dhiganta doorkiiba.

6-dii bisha Janaayo ee sannadkii tagay ayay boolisku qabteen haweeneydan, waxaana ugu dambeyn la xukumar isbuucan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this