Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo shaacisay inay soo gaba-gabeysay baarista dilkii Gu’jir

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamadda sare ee ciidamada qalabka sida iyo dambiyada culus ee Puntland ayaa shaacisay in ay dhowaan soo bandhigi doonto natiijada baaritaan lagu sameeyey dilka guddoomiyihii hobolka Nugaal, AUN Marxuum Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir).

Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland G/sare Maxamuud Cabdi Maxamed  ayaa sheegay in uu gaba-gabo marayo baaritaanka dilkii marxuum Gu’jir, islamarkaana ay dhowaan si rasmi ah u shaacin doonaan matiijadiisa.

Sidoo kale wuxu sheegay in sharciga la marin doono dad ku eedaysan in ay ka dambeeyeen dilka Marxuumka, kuwaas oo haatan ku jira gacanta laamaha baarista u qaabilsan maamulka Puntland, kadibna loo gudbin doono hay’adaha garsoorka.

Marxuum Cabdisalaan Gu’jir  wuxu ku dhintay qarax is-miidaamin ah oo 29-kii Maarso ee sanadkan 2020 ka dhacay afaafka hore ee saldhiga bartamaha Garoowe.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this