Sign in to follow this  
Deeq A.

Howl-gal ka dhan ah Al-Shabaab oo looga dhawaaqay G/Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada milatariga ee ku sugan gobolka Gedo, gaar ahaan qeybta 43-aad, guutada 12-aad ayaa dhaq-dhaqaaqyo waxa ay ka bilaabeen degmada Beledxaawo ee gobolkaasi.

Saraakiisha ciidamada dowladda ee gobolka Gedo ayaa sheegay inay isku diyaarinayaan howl-gallo ballaaran oo ka dhan ah dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale taliyaha ciidamada xasilinta ee gobolka Gedo, Bakaal Kooke oo la hadlayey boqolaal ka mid ah ciidamada milatariga ayaa ku dhawaaqay inay si rasmi ah u bilaaban doonaan howl-gallada Al-Shabaab looga saarayo deegaanada ay ka heystaan gobolkaasi.

Bakaal Kooke ayaa sheegay in u jeedada howl-galladaas laga leeyahay ay tahay in la’isku furo dhammaan degmooyinka gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo maalmihii u dambeeyey ciidamada dowladda ay xoojiyeen howl-gallada iyo dhaq-dhaqaaqyada ay ka wadaan koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this