Sign in to follow this  
Deeq A.

Banaanbax ballaaran oo ka dhacay gobolka Sanaag + Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta dibad ballaaran uu ka dhacay gudaha degmada Badhan ee gobolkaasi.

Dibad-baxa oo ahaa mid cabasho ah ayaa waxaa looga soo horjeeday wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad.

Qaar ka mid dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa wasiir Dhabancad ku eedeeyey inuu faro-gelin ku hayo golaha deegaanka degmadaasi.

Sidoo kale waxa ay ka dalbadeen wasiir Dhabancad inuu faraha kala baxo arrimaha golaha deegaanka ee magaaladaasi.

Banaanbaxan ayaa saameyn xoogan ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa degmadaasi, gaar ahaan dhanka isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

1-7 2-5 4-2 5

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this