Deeq A. Posted October 9, 2020 Wararka ka imaanaya gobolka Sanaag ayaa sheegaya in maanta dibad ballaaran uu ka dhacay gudaha degmada Badhan ee gobolkaasi. Dibad-baxa oo ahaa mid cabasho ah ayaa waxaa looga soo horjeeday wasiirka arrimaha gudaha maamulka Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad. Qaar ka mid dibad-baxayaasha oo la hadlay warbaahinta ayaa wasiir Dhabancad ku eedeeyey inuu faro-gelin ku hayo golaha deegaanka degmadaasi. Sidoo kale waxa ay ka dalbadeen wasiir Dhabancad inuu faraha kala baxo arrimaha golaha deegaanka ee magaaladaasi. Banaanbaxan ayaa saameyn xoogan ku yeeshay dhaq-dhaqaaqa degmadaasi, gaar ahaan dhanka isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga. Halkan hoose ka daawo sawirrada:- View the full article Share this post Link to post Share on other sites