Sign in to follow this  
Deeq A.

Ahellada Cali Khaliif oo dalbaday in baaritaan lagu sameeyo geeridiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar ka mid ah ehelka Allaha u naxariistee Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galayr, ayaa codsaday in dib loo baaro waxa geeridiisa sababay.

Marxuumka ayaa shalay la shaaciyay inuu ku geeriyooday magaalada Jigjiga.

Mas’uuliyiinta dowlad deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya, waxay sheegeen in baaritaan ay sameeyeen ay ku ogaadeen in Cali uu u dhintay fayraska korona.

Hasayeeshee ehelkiisa waxa ay ku doodayaan in ay mudan tahay in baaritaan kale la sameeyo.

“Anaga ayaa codsaneyna in naloo baaro. Baaritaanka dambe waxaa lagu sameynayaa meeshii la isla qaata ama meesha loo qaadayo ee lagu aasayo ee macquulka noqota,” ayuu yiri Mukhtaar Xaamud oo ka mid ah ehelka marxuumka.

Mukhtaar wuxuu sheegay in geerida Cali Khaliif loo aaneynayo cunto uu ku xanuunsaday oo aanay rumeysneyn in uu u dhintay cudurka Covid-19.

“Calooshaa laga qabtay, wuu shubmay wuu fuuq baxay. Isaga ayaa inoo sheegay. ‘Cuntadaas is dhaaftay ayaan u maleynayaa sababta xanuunka’, ayuu nagu yiri. Cuntadan maxay sii tahay? xaggee ka cunay? arrintaa ma aanan gelin marka arrin fudud ayaan iska moodeynay markii hore, waxaana is laheyn wuu iska dhammaani.”

“Covid-19 waa naloo sheegay in uu u geeriyooday laakiin anagu arrintaas mid aan aamisanahay ma aha”, ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sheegay Cali Khaliif Galeyr lagu aasi doono magaalada Muqdisho.

Marxuum, Cali Khaliif Galayr waxa ay da’diisu aheyd 78 sano jir

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this