Deeq A. Posted October 9, 2020 11 qof ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen galbeedka itoobiya kaddib markii la weeraray mid kamid ah gaadiidka dadweynaha qaada ee loo yaqaan Bas-ka. Saxaafada itoobiya ayaa sheegtay in weerarku ka dhacay gobalka Benishangul-Gumuz halkaas oo basku marayay. Madaxa amaanka gobalka ayaa sheegay in dadka dhintay ay ku jira muwaadiniin u dhashay dalka shiinaha. Dhacdadaan ayaa ku soo aadeysa iyadoo Gobalkaan Benishangul-Gumuz ay maalmahaan ka dhacayeen dagaal ku saleysan qabaa’ilada ka jira degaanka. PUNTLAND POST The post Dad lagu laayay gudaha Itoobiya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites