Sign in to follow this  
Deeq A.

Shiinaha oo ku biiraya xarunta COVAX ee ka hortagga Covid 19

Recommended Posts

Deeq A.   

Shiinaha ayaa si rasmi ah u saxiixday heshiiska ku biirista Xarunta COVAX ee ay hogaamineyso Ururka Caafimaadka Adduunka WHO, si loo hubiyo in dalalka saboolka ah ay helaan tallaal lagu badbaadinayo nolosha aadanaha .

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Hua Chunying ayaa ku sheegtay in go’aanka Shiinaha uu ahaa tallaabo muhiim ah oo lagu taageerayo bulshada guud ee caafimaadka iyo in tallaallada COVID-19 loo beddelo mid caalami ah oo wanaagsan.

Shiinaha ayaa ka mid ah dalalka leh dhaqaalaha ugu weyn ee taageeray dadaalka illaa iyo hadda looga hortagayo cudurka,inkastoo dalalka Mareykanka iyo Ruushka midkoodna uusan weli saxiixin heshiiskaasi.

UN-ka ayaa ku baaqay taageero dheeri ah oo loogu talagalay qorshaha tallaalka dadka,waxaana WHO ay ka digtay in tirade dhimashada ay gaarto 2 milyan oo dhimasho ah, ka hor tallaalka.

Xarunta COVAX ee ay hogaamineyso Ururka Caafimaadka Adduunkee WHO,waxa ay qorsheynayaan in tallaalka la gaarsiiyo ilaa laba bilyan dhamaadka sanadka soo socda.si loo daboolo baahiyaha caafimaad ee bulshada caalamka ay qabaan.

PUNTLAND POST

The post Shiinaha oo ku biiraya xarunta COVAX ee ka hortagga Covid 19 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this