Sign in to follow this  
Somalina

Gabar Soomaali ah oo kaalinta koowaad ka gashay tartan Qur’aan aqris ah oo loo qabtay

Recommended Posts

Somalina   

Gabar Soomaali ah ayaa kaalinta koowaad ka gashay tartan Qur’aan akhris ah oo ay ku tartamayeen Arday ka kala socotay 21-dal oo ay Soomaaliya ka mid tahay.

 

Tartankaas oo ka dhacay magaalada Tiripoli ee dalka Liibiya ayaa waxaa ku guuleystay kaalinta koowaad gabar yar oo Soomaali ah oo lagu magacaabo Xafsa C/raxmaan.

 

Guddiga ay dowladda Liibiya u xil saartay tartankan Qur’aaan akhriska ah ayaa gabagabadii ku dhawaaqay in Xafsa C/raxmaan ay tahay ardayadda koowaad ee kaalinta koowaad ka gashay, halka kaalinta labaad uu galay wiil u dhashay dalka Suudaan, kaalinta saddexaadna uu galay wiil u dhashay dalka Marooko.

Tartankan Qur’aan akhriska ah ayaa ah mid ay dowladda Liibiya sanad kasta u qabato arday ka kala socota waddamada Islaamka oo dalka Soomaaliyana uu ku jiro.

 

Gabadha da’da yar ee u dhalatay Soomaaliya ayaa waxaa laga waday degaanka Ceelasha biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho oo ah goob ay dadka reer Muqdisho badankood ku barakaceen.

smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Ismalura   

Maanshalah ! I am so proud of her. NinaNC any idea where I might find the audio or vidoe of the tartan or at least gabadha keeda.

 

Eid mubarak abaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Originally posted by Ismalura:

Maanshalah ! I am so proud of her. NinaNC any idea where I might find the audio or vidoe of the tartan or at least gabadha keeda.

 

Eid mubarak abaayo.

Eid Mubarak to you too abaayo.

 

To answer your question, there is no audio or video along with the article.

Hopefully, it will be posted on YouTube soon IA.

 

Waxaan ku soo heley Wiil yar oo tartanka Quran ka qeyb galey. Masha Allah. Oohin baa ku qabaneysa runtii markaad aragtid sida ilinta ugu daadaneyso.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Somalina   

Gabar Soomaali oo Xamar ka barakacdey ayaa ku qoran artikalka, adigana carab 2009 ayaad noogu soo dhejisey meeshaan.

 

I give you a D- on your efforts to show us Xafsa (magaca xataa waa ka badashey).

 

Bal ku noqo mar labaad Miskiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this