Sign in to follow this  
Deeq A.

Cali Khaliif Galayr oo la shaaciyey inuu u dhintay cudurka Coronavirus

Recommended Posts

Deeq A.   

Is-maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa faah faahin ka bixiyey geeridii ku timid, marxuum Cali Khaliif Galayr oo ahaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya.

Dr, Mukhtaar Yuusuf Muuse oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradsa caafimaadka dowlad deegaanka Soomaalida Dr, Mukhtaar Yuusuf Muuse oo ka mid ah guddi loo xilsaaray baaritaanka sababaha keenay geerida Marxuum Cali Khaliif ayaa sheegay in labadii maalmood ee ugu dambeysay uu la xanuunsanayay marxuumku Cudurka Covid-19.

“Naqaska ayaa ku dhegy,aad ayuuna u xanuusanay,anigoo la jooga ayay naftu ka baxday, runtii waa geeri aad u xanuun badan,” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka caafimaadka dowlad deegaanka Soomaalida.

Marxuum Cali Khaliif Galayr ayaa lagu wadaa in meydkiisa laga soo qaado maanta magaalada Jigjiga, laguna aaso caasimada dalka ee Muqdisho oo loogu sameyn doono aas qaran.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this