Sign in to follow this  
Deeq A.

Taariikh nololeedka Cali Khaliif Galayr

Recommended Posts

Deeq A.   

Ali Khalif Galayr wuxuu ku dhashay magaaladda Laas-Caanood, ee xarunta gobolka Sool 15 October 1941.

Intii u dhaxaysay 1963 iyo 1965, wuxuu waxbarashadda Dugsiga Hoose, Dhexe iyo Sare ku qaatey Sheikh Intermediate School and Sheikh Secondary School, ee gobolka Togdheer.

Sanadkii 1962 ayuu Mareykanka u aaday inuu wax ka barto kadib markii uu deeq waxbarasho ka helay Boston University.

Sidoo kale Shaahadada master-ka wuu ka qaatey Syracuse University, isagoo sidoo kale waxbarashadda sare doctorate kusoo qaatey Syracuse University.

Shaqada

Cali Khaliif wuxuu ahaa aqoonyahan iyo siyaasi caan ah oo shaqooyin kala duwan dalka kasoo qabtay, laga soo billaabo Warshaddii Sonkorta Jowhar oo July, 1974 loogu magacaabey maamulaja guud.

Intii u dhaxaysay 1977 iyo 1980 wuxuu Marxuumka maamule ka noqday Mashruucii Sonkorta Mareerey, kaasoo ku baxday lacag gaaraysa $400 million.

Intii u dhaxeysay 1996 – 2000 Galayr wuxuu aas-aasay oo maamuley shirkadda isgaarsiinta ee gaarka loo leeyahay ee Somtel.

1979 Galayr waxuu noqday xildhibaan. 1980 waxaa loo magacaabay Wasiirka Warshadaha maamulkii Siyaad Barre. Wuxuu shaqadan hayay ilaa 1982.

Markii ay is khilaafeen Siyaad Bare, Galayr wuxuu kamid ahaa koox wasiiro isbadal doon ah oo wadanka ka cararay si uusan u xirin kaligii-taliska.

Wuxuu ka qayb galay shirkii Carta, Jabuuti oo bishii Oktoobar 2000, Cabdiqaasim Salaad Xasan loogu doortay Madaxweynaha cusub ee Dawladdii Ku Meel Gaarka ahayd ee Soomaaliya, taasoo isaga Ra’iisul Wasaaraha ka noqday.

Xilka Ra’iisul Wasaaraha wuxuu hayay laga soo billaabo 8 October 2000 illaa 28 October 2001.

Xildhibaan ayuu ka noqday Baarlamankii 9aad ee Soomaaliya dawladdii Xasan Sheekh, isagoo xilkaasi ka tagey kadibna August 2014 Madaxweyne ka noqday Maamulkii Khaatumo.

Maanta, 8-da October ee 2020 ayuu ku geeriyoodey Cali Khaliif magaaladda Jigjiga, Caasimadda Is-maamulka Soomaalida dalka Itoobiya, isagoo da’diisu tahay 78.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this