Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo ka tacsiyaysay Geerida Cali Khaliif Galaydh

Recommended Posts

Deeq A.   
Karaash-1.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland, ahna kusimaha Madaxweynaha Axmed Cilmi Cismaan, ayaa qoraal uu soo saaray kaga tacsiyeeyay Geerida Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Dr. Cali Khaliif Galaydh.

Mudane Axmed Cilmi Cismaan (Axmed Karaash), oo ku hadlaya magaca Dowladda iyo Shacabka Puntland, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray Umadda Soomaaliyeed, gaar ahaanna Dowladda iyo Shacabka Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash waxa uu tiiraanyada geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya la qaybsanayaa, ugana tacsiyaynayaa ummadda Soomaaliyeed, Shacabka reer Puntland, eheladii, qaraabadii, asxaabtii, iyo qoyskii uu ka baxay Marxuumku.”

Axmed Karaash, wuxuu si gaar ah ugu tacsiyeeyay dhammaan Qoyska, Ehelada iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuumka, waxaana uu Alle uga baryey in uu dambigiisa dhaafo oo Jannada ku arsaaqo, islamarkaana Samir iyo iimaan ka siiyo  dhammaan dadka Soomaaliyeed.

Waxa uu Alle “SWC” uga baryey inuu dembigiisa dhaafo, su’aasha qabriga u sakhiro, Jannatul Fardawsa ka Waraabiyo, samir iyo iimaanna ka siiyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed.” ayaa lagu yiri Qoraalka.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo ka tacsiyaysay Geerida Cali Khaliif Galaydh appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this