Deeq A. Posted October 8, 2020 Kumuu ahaa Cali Khaliif Galaydh? Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cali Khaliif Galaydh Magaalada Jigjiga, ee xarunta u ah ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxaa maanta ku geeriyooday Cali Khaliif Galaydh – oo ahaa siyaasi caan ah – xilal kala duwanna kasoo qabtay Soomaaliya. Waxyaabaha ugu waaweyn ee Cali Khaliif lagu xasuusto waxaa ka mid ah inuu Ra’iisul Wasaare ka noqday dowladdii ku meel gaadhka ahayd ee lagu soo dhisay magaalada Carta ee dalka Jabuuti, taasoo uu madaxweyne ka ahaa Cabdiqaasim Salaad Xasan. Marxuumka oo sida lasoo tabiyay labo maalmood ku xanuunsanaa Jigjiga wuxuu ku geeriyooday da’da 78. Waayihii Cali Khaliif Galaydh Barfasoor Galaydh wuxuu ku dhashay magaalada Laas Caanood ee gobolka Sool, 15-kii bishii October ee sanadkii 1941-kii, halkaasoo uu ku soo qaaday qeybihii hore ee noloshiisa dhallaannimo iyo waxbarashadiisa aasaasiga ah. Waxbarashadiisii dugsiga sare wuxuu degmada Sheekh ku dhammeystay sanadkii 1962-kii. Heerka aqoonta maaddiga ah – oo uu qeybo ka mid ah kusoo qaatay jaamacado dibadda ku yaalla – wuxuu ka gaadhay ilaa darajada PhD, wuxuuna bare ka noqday Soomaaliya. Heerkiisii Jaamacadeed 1963-kii, Galaydh wuxuu helay deeq waxbarasho oo ay siisay jaamacadda Boston ee dalka Mareykanka. Wuxuu Shahaadada heerka koowaad ee maaddada Seyniska Siyaasadda uga qalin jabiyay sanadkii 1965-kii. Cali Khaliif wuxuu kaalin muuqata kasoo ciyaaray siyaasadda Soomaaliya 1967-kii ilaa 1969-kii wuxuu shahaadada heerka labaad ku qaatay Jaamacadda Syracuse ee magaalada New York, Mareykanka. Shahaadadaas wuxuu diiradda ku saaray cilmiga maamulka dadweynaha, wuxuuna kasoo baxay dhammaan shuruudihii looga baahnaa inuu barfasoor ku noqdo. Buuggii uu darajadiisa aqooneed ku difaacanayay wuxuu qoray 1971-kii iyo 1972-kii. Intii u dhaxeysay 1982-kii ilaa 1987-kii wuxuu waxbarasho ka qaadanayay macadka Weatherhead ee lagu barto aqoonta Arrimaha dibadda iyo Jaamacadda Harvard ee dalka Mareykanka. Doorkiisii dhinaca maamulka iyo siyaasadda Barfasoor Galaydh xarumaha uu kasoo howl galay waxaa ka mid ah macadkii Somali Institute of Public Adminstration (SIPA). Macdkan oo uu markii hore ka ahaa cilmi baadhe ayuu ugu dambeyn 1973-kii ka qabtay xilka agaasimaha guud. Cali Khaliif waxa uu madaxweyne kasoo noqday maamul la magac baxay Khaatumo Intii u dhaxeysay 1974-kii ilaa 1976-kii wuxuu agaasime ka ahaa mashruucii Sokorta ee Jowhar (SNAI). 1976-kii ilaa 1982-kii wuxuu maamulayay mashruucii sokorta ee Juba (JSP). Xilalkii Siyaasadeed Cali Khaliif wuxuu door weyn kasoo ciyaaray siyaasadda Soomaaliya, tobannaankii sano ee lasoo dhaafay. Dhowr sano kaddib markii ay Soomaaliya xorriyadda qaadatay ayuu si weyn uga soo dhex muuqday saaxada siyaasadda, isagoo noqday Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya intii u dhaxeysay 1965-kii ilaa 1967-kii. 1980-kii ilaa 1982-kii wuxuu soo ahaa Wasiirkii Warshadaha ee dowladdii kacaanka, oo uu madaxweyne ka ahaa – Alle ha u naxariistee -Maxamed Siyaad Barre. Ka hor inta aan loo magacaabin xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, sanadkii 2000, wuxuu noqday xildhibaan ka tirsan baarlamaankii lagu yagleelay shirkii Carta. 13 bilood markii ay dhisneyd xukuumaddii uu Ra’iisul Wasaaraha ka ahaa, xildhibaannada baarlamaanka ee xilligaas ayaa kala noqday codka kalsoonida. 20-kii bishii August ee sanadkii 2012-kii, Cali Khaliif wuxuu ka mid ahaa xildhibaannadii loo doortay baarlamaanka federaalka Soomaaliya, oo uu ilaa hadda ka mid ahaa ka hor geeridiisa. Sanadkii 2014-kii, Cali Khaliif waxaa loo doortay madaxweynaha maamulkii la magac baxay Khaatumo ee gobollada Sool iyo Sanaag. Doorasho dhacday bishii August ee sanadkaas ayuu uga guuleystay Maxamed Yuusuf Jaamac (Indho Sheel), oo ahaa musharrax kula tartamayay xilka madaxweynaha Khaatumo. In muddo ah ayuu u ololeynayay inuu maamulkiisa aqoonsi uga helo dowladihii tan iyo xilligaas soo maray Soomaaliya, hase yeeshee uma suuragalin. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites