Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabadha da’ yar oo Hal maalin ra’iisal wasaare ka noqotay dalkeeda

Recommended Posts

Deeq A.   

Gabadha da’ yar oo Hal maalin ra’iisal wasaare ka noqotay dalkeeda

Dalka Finland wuxuu inta badan kaalmaha koobaad kaga jiraa dadaallada lagu simayo fursadaha ragga iyo haweenka.

anna.jpg

Ra’iisul Wasaaraha Finland Sanna Marin ayaa dadaal u gashay sidii lagu simi lahaa fursadaha ragga iyo haweenka, waxay gabadhan yar ee 16 jirka ah u ogolaatay in haal maalin ay Ra’iisul Wasaare ka noqoto dalkaasi.

Gabadhan la yiraahdo Aava Murto waxay kulan la qaadaneysaa siyaasiyiinta oo ay ka wada doodi doonaan xuquuqda haweenka iyo teknooloojiyadda.

Waxay tallaabadan imaaneysaa maalin ka hor xilliga la xuso maalinta xuquuqda gabdhaha oo ah olole caalami ah oo ay garwadeen ka yihiin ha’yado samafal oo qaabilsan xuquuqda carruurta.

Waa sanadkii afaraad ay Finland ka qeyb gasho qorshaha caalamiga ah ee ‘Awood siinta gabdhaha’ kaas oo u ogolaanayo gabdhaha da’da yar ee kasoo jeedo caalamka inay noqdaan hogaamiyeyaasha mustaqbalka iyo inay qaban karaan shaqooyin kale.

Sanadkan waxaa ololaha diiradda lagu saarayaa sidii gabdhaha ay u heli lahaayeen fursadaha dhanka teknooloojiyadda iyo Digital-ka, waxaana kamid ah waddamada ka qeybta ah barnaamijkaas Kenya, Peru, Sudan , Vietnam iyo dalal kale.

“Waxaan ku faraxsanahay in aan halkan hadal ka jeediyo, si kastaba, haddii aan ka hadalno runta weli lama gaarin arrinta ku aadan in la simo fursadaha haweenka iyo ragga, inkasta oo aan wax badan ka qabanay arrintaas weli waxaa loo baahan yahay in howl badan la geliyo dadaalladaas” ayay tiri Aava Murto.

Gabadhan waxay si weyn ugu ololeyn jirtay in wax laga qabto isbaddalada cimilada iyo in haweenka la ilaaliyo xuquuqdooda, waxay kulan la qaadatay Ra’iisul Wasaaraha Finlad waxayna ka wada hadleen fursadaha haweenka ee dhanka teknooloojiyadda.

Aava Murto oo warbaahinta la hadleysay xilli ay maalin qabaneysay xilka Ra'iisul wasaaraha Finland
Aava Murto oo warbaahinta la hadleysay xilli ay maalin qabaneysay xilka Ra’iisul wasaaraha Finland

Ka hor munaasabadda xilka halka maalin loogu wareejinayay gabadha, Ra’iisul Wasaaraha Finland Sanna Marin waxay carabka ku adkeysay muhiimadda ah in qof kasta uu xaq u leeyahay fursadaha teknooloojiyadda balse aana lagu gacan bidxeyn dal ama bulsho.

Sanadkii lasoo dhaafay, Finland waxay kaalinta saddexaad ka gashay dalalka caalamka ee kasoo baxay shuruudaha lagu xaqiijiyo in la simo fursadaha haweenka iyo ragga. Si kastaba, fursadaha teknooloojiyadda si buuxda loogama qeyb geliyo haweenka.

Ms Marin waa Ra’iisul Wasaaraha ugu da’da yar adduunka, waxaana xilkan loo dhaariyay sanadkii lasoo dhaafay iyadoo 34 jir ah.

Waa Ra’iisul wasaarihii saddexaad oo haween ah oo soo mara Finland, waxay hogaamisaa isbaheysiga garabka dhexe iyo afar xisbi oo kale- oo ay dhammaantood hogaamiyaan haween.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this