Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo guullo ka sheegatay howlgallada Shabeelooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidanka Kumaandooska Gor-Gor iyo guutooyinka 7-aad iyo 3-aad ee Xoogga dalka ayaa howlgallo qorsheysan waxay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan Gobolada Shabeelaha Dhexe iyo Shabeelaha Hoose.

Howlgalladaas ayaa la sheegaya inay ciidamadu ku bur-buriyeen maxkamado iyo saldhigyo ay lahayeen Al-Shabaab, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka ayaa sheegay in howl-galladaasi lagu dilay sarkaal sare oo Al-Shabaab u qaabilsanaa deegaanka Basra.

Dhankiisa taliyaha ciidanka xoogga Sareeyo Guuto Odawaa Yuusuf Raage ayaa tilmaamay in u jeedka howlgalladaas uu yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa Shabeelooyinka.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howl-gallada lagula dagaalamayo Al-Shabaab ee ka socda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this