Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya dab ka kakcay degmada Wanlaweyn

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dab geystay khasaaro hantiyadeed oo ka kacay kaalin shidaalka lagu iibiyo oo ku taalla suuqa hoose ee degmada Walanweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana uu ku fiday goobo ganacsi oo ku dhegan kaalinta.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka degmada Wanlaweyn ayaa waxaa ay sameeyeen dadaal farabadan oo lagu deminaayay dabka, maadaama degmada aysan laheyn wax dab demis ah,waxaana dadbka oo geystay khasaaro hantiyadeed ay ku guuleysteen in xalay saqdii dhexe ay demiyaan

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in dabkaasi oo ay qaadatay in la damiyo saacado badan ayaa ku fiday goobo ganacsi oo ay tiilay hanti aad u fara badan.

Wanlaweyn ayaana laheyn gaadiidka dam damiska, taas oo keentay in dabka uu ku sii fido goobo hor leh, marka laga tego kaalinta shidaal ee uu ka billowday.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this