Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamada Xoogga dalka oo howlgal ku dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa faah faahin ka bixisay howl-gallo ciidamada milatariga ay ka sameeyeen qeybo badan oo ka mid ah gobolka Sh/Hoose.

Axmed Xasan Siyaad oo ka mid ah saraakiisha ciidamada milatariga dowladda federaalka Soomaaliya oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in toban ka tirsan dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ay ku dileen tuulooyin hoos yimaada deegaanka Bariire ee gobolkaas.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in xubnaha la dilay ay ku jiraan labo sarkaal oo sar-sare, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan howl-galladaasi.

Maalmihii u dambeeyey ciidamada huwanta ayaa kordhiyey howl-gallada milatari ee ay ka wadaan gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this