Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay degmada Afgooye

Recommended Posts

Deeq A.   

Warar dheeraad ayaa ka soo baxaya qarax goor dhow ka dhacay qeybo ka mid ah degmada Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso, kaas oo geystay khasaare kala duwan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu ka dhacay halka loo yaqaano Baar Ismaaciin oo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, iyadoona ay ku dhaawacmeen saddex ruux oo kale.

Sidoo kale ciidamada ammaanka oo sameeyey howl-gallo baarinaato ah ayaa waxa ay gacanta ku soo dhigeen tiro dad ah oo lagu tuhmayo qaraxaasi.

Afgooye ayaa waxaa inta badan ka dhaca falal liddi ku an amniga, sida dilal, qaraxyo iyo weeraro toos ah oo Al-Shabaab ay ku soo qaaday degmadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this