Sign in to follow this  
Deeq A.

War deg deg ah: Cali Khaliif Galeyr oo ku geeriyooday magaalada Jigjiga

Recommended Posts

Deeq A.   

Allaha u naxariistee siyaasiga Cali Khaliif Galeyr ayaa lagu soo warramayaa inuu goor dhow ku geeriyooday magaalada Jigjiga ee xarunta is-maamulka Soomaalida Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka uu labadii maalin ee la soo dhaafay ku xanuunsanaa gudaha magaaladaasi.

Cali Khaliif ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dalka, wuxuuna mar soo noqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, gaar ahaan dowladdii madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan.

Marxuumka ayaa ku dhashay Magaalada Laas-Caanood ee xarunta Gobolka Sool, sanadkii 1941-dii, waxaana  hadda da’diisu aheyd 78 sano jir.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this