Sign in to follow this  
Deeq A.

Diyaaradaha Kenya oo duqeymo xoogan ka fuliyey gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa duqeymo diyaaradeed oo maanta ciidamada Kenya ay ka filiyeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Duqeymaha oo ahaa kuwa xoogan ayaa ka dhacay deegaanada Baliga Harakoobe, Yaaqle, Qabri-xaaji & Baliga Dhadhaable, kuwaas oo hoostaga Beled-Xaawo & Gabahaarey.

Wararka ayaa sheegaya in deegaanada la duqeeyey oo ah kuwa Mii ah ay ku sugnaayeen dad shacab ah, islamarkaana ah xoolo dhaqato.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, iyadoona ay ku dhaawacmeen afar kale oo dhamaan ah dad rayid ah, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah oo lagu kalsoon yahay.

Muddooyinkii u dambeeyey ciidamada Kenya ayaa tacadiyo xoogan ka geysanayey qeybo ka mid ah gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this