Sign in to follow this  
Deeq A.

Rag loo heysto iney ku lug lahaayeen Weerarkii Westgate+Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Rag loo heysto iney ku lug lahaayeen Weerarkii Westgate+Sawirro

Maxkamad ku taalla dalka Kenya ayaa dembi ku heshay labo ka mid ah saddex nin oo loo heystay inay ku lug lahaayeen weerarkii Al-Shabaab ku qaadday dhismaha laga dukaameysto ee Westgate sanadkii 2013

Waxaa la sii daayay mid ka mid ah eedeysanayaasha oo lagu waayay caddeymo sida Maxkamadu sheegtay.

Kiiskan ayaa soo jiitamayay muddo toddoba sano ah, iyadoo Xukunkan labadan nin dib loo dhigay illaa 22-ka bishan.

Saddexdan nin ayaa loo heystay inay caawiyeen kooxdii soo qaadday weerarka oo bishii September 2013 waxaana ku dhintay 62 qof oo rayid ah, shan ciidamada ammaanka ka tirsanaa iyo afartii qof ee weerarka fulisay.

Liibaan Cabdullaahi oo ah Ninka saddexaad ee la sii daayay ayaa la dhashay mid ka mid ah raggii weerarka soo qaaday, iyadoo labada nin ee lagu helay caddeynta ay kala yihiin Maxamed Axmed Cabdi iyo Xuseen Xasan Mustafah oo Kenya u dhashay.

5f7db94d7a411.image_.jpg 24fb28efbd1e415bb54bb31d98aa065d.jpg 3000.jpeg a224e5f3-6151-4093-b79e-a7cfc3e76a1a_cx0

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this