Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya qarax ka dhacay duleedka Balcad

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax gelinkii ee maanta ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaraxa oo ahaa nooca miinada ee dhulka lagu aaso ayaa ka dhacay duleedka degmada Balcad ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxaas lala eegtay gaari ay la socdeen ciidanka ilaalada guddoomiyaha Balcad oo marayey tuulada Buulo-Kuunto oo u dhow Daniga Baalow.

Ku dhowaad 10 askari ayaa ku dhintay qaraxaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen illaa saddex kale, sida ay xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Balcad iyo deegaanada hoos yimaada ayaa waxaa muddooyinkii dambe ka socday dhaq dhaqaaqyo ka dhan ah Al-Shabaab oo inta badan weeraro ka fuliso halkaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this