Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: DF oo dib u eegis ku sameysay Heshiiskii Dekedda Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ku-simaha Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo goob-joog u ahaa Heshiis ay kala saxiixdeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shirkadda maalgashiga Albayrk ayaa sheegay in sanadihii la soo dhaafay tallaabo fiican loo qaaday dhanka xoojinta maalgashiga dalka.

Kusimaha Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa tilmaamay macnaha ay u leedahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed in dib u eegid iyo horumarin lagu sameeyey Heshiiskii 2014-kii ay kala saxiixdeen Dowladda Soomaaliya iyo Shirkadda Albayrk ee ku saabsanaa howlgelinta Dekedda Muqdisho iyo ballaarinteeda.

Heshiiskan ayaa lagu soo koobay 5 sano oo uu qeexayo hannaan lagu sii kordhin karo muddada dheer ee ka hartay heshiiskii hore ee 20-ka sano ahaa, balse ay saldhig u tahay guulaha laga gaaro qorshaha ballaarinta Dekedda iyo hannaanka howlgelinteeda, iyadoo dowladda Soomaaliya ay korjoogteyn doonto, kana soo saari doonto qiimeyn muujinaysa hirgelinta qodobbada lagu heshiiyey.

Heshiiska waxaa dowladda Federaalka Soomaaliya u saxiixay si hayaha Wasiirka Wasaaradda Dekadaha Marwo Maryan Aweys, halka dhanka shirkadda Albayrak uu u saxiixay Mudane Ahmet Sami Isler  iyo Fehat Akkaya.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

121014540_2814869148744201_2581059830583  121016984_2814869212077528_6838066968882 121016984_2814869212077528_6838066968882 121018876_2814869068744209_7233591823310 121025838_2814869248744191_1443162590621 121026592_2814868715410911_6702298381075 121028979_2814869365410846_8701869230392 121035457_2814869112077538_2194174730278

121014540_2814869312077518_8018783618994

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this