Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Cawad oo beeniyey in la sii daayey dhaqaatiirtii dalka Cuba

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad ayaa beeniyey wararka sheegaya in Al-Shabaab ay sii deysay labo dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba, kadib markii la shaaciyey in xorriyadooda la siiyey dhaqaatiirtaasi.

Cawad ayaa tilmaamay in aysan ka war-hayn arrintaasi, wuxuuna shaaciyey in dowladda uusan ka soo bixin wararka ay tabisay qaar ka mid ah warbaahinta caalamka.

“Wararka ay warbaahinta caalamka qaarkood sii dayanayaan oo sheegaya in lasii daayey dhaqaatiirtii Cuban-ka ahaa ee lagu haystay Soomaaliya waa war aan kasoo bixin dowladda Soomaaliya, waa war la abuuray,” ayuu yiri Cawad.

Dhanka kale sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda dalka Cuba oo lagu magacaabo, Juan Antonio Fernández Palacio ayaa dhankiisa beeniyey in la sii daayey labada dhaqtar ee kala ah Assel Herrera Correa iyo Landy Rodríguez Hernández.

“Dadaallo xooggan ayaa socda oo la sameynayo si loo xaqiijiyo xoriyadda labada dhaqtar iyo inay dalkooda si nabdoon gu soo laabtaan.” ayuu yiri Juan Antonio.

Herrera Correa iyo Landy Rodríguez Hernández ayaa sanad ka badan gacanta ugu jira Al-Shabaab, waxaana laga soo afduubtay gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this