Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo sii deysay labo Dhakhtar oo ay Muddo Afduub ahaan u haysteen

Recommended Posts

Deeq A.   

Al Shabaab oo sii deysay labo Dhakhtar oo ay Muddo Afduub ahaan u haysteen

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kooxda Al-Shabaab sii deysay labo dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba kuwaas oo ay sanadkii hore kasoo afduubteen magaalada Mandera, gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Wakaaladda wararka ee AP, ayaa ku warantay in dhaqaatiirtan u dhalatay dalka Cuba  la sii daayay dhammaadkii isbuucii hore hore, waxa ayna Wakaalada sheegtay in dhaqaatiirta lagu sii daayay wada xaajood mudo socday.

Labada dhaqtar ee xuriyadooda helay oo lagu kala magacaabo Landy Rodriguez iyo Herera Correa ayaa afduub loo heystay muddo sanad iyo bar ah, waxaana dowlada Cuba dadaal ku bixisay sidii dhaqaatiirtaasi loo sii deyn lahaa.

cuba-1024x768.png

Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Cuba Bruno Rodriguez ayaa bartiisa Twitter-ka qoraal uu ku soo qoray ku sheegay in labada dhaqtar la sii daayay isagoo dowladda Soomaaliyana u mahad celiyay.

Al Shabaab ayaana wali ka hadlin dhaqaatiirtan ee sii daayeen, waxaana Warar soo baxaya sheegayaan in Al Shabaab sii deynta dhaqaatiirtan mudada u xirnaa ku badasheen lacago badan oo madax furasho ahaan loo siiyay

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this