Sign in to follow this  
Deeq A.

Dad isku qoys ahaa oo lagu laayey is-maamulka Soomaalida Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan saddex qof ayaa dhintay, halka ay dhaawacmeen lix kale oo dhammaan isku qoys ahaa, kadib markii uu nin ku hubeysnaa Faas iyo Toorey uu ku weeraray guri ay ka daganayeen deegaanada lagu magacaabo, Faarax Liibaan ee gobolka Shabelle oo hoostaga dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Dadka dhintay ayaa kala ah labo caruur ah iyo hooyadood, sida ay inoo xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale lixda qof ee uu dhaawaca soo gaaray ayaa iyaguna ka mid ah qoyska oo uu weerarka ku qaaday ninkaasi la sheegay inuu qabay xanuunka Dhimirka.

Qaar ka mid ah dadka dhaawacyada ah ayaa haatan laga deyrinayaa xaaladooda caafimaad, kuwaas oo lagula tacaalayoisbitaalka magaalada Jigjiga ee xarunta is-maamulka Soomaalida Itoobiya.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada ammaanka ee Liyuu Boolis ay gacanta ku dhigeen eedeysanaha, kaas oo lagu soo warramayo in xabsiga loo taxaabay.

Waxaa sidoo kale haatan socda baaritaano ay wadaan laamaha amniga oo la xiriira falkaasi oo ay dad badan tuhun ka mujiiyeen inuu ahaa mid la soo abaabulay.

Dhacdadan oo ay si weyn uga argagaxeen dadka deegaanka ayaa si aad ah looga hadal hayaa gobolka Shabelle iyo guud ahaan dhulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this