Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Rugta ganacsiga Jubaland oo yeelatay gudoomiye cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Munaasabadda oo aheyd mid  lagu dooranayay guddoomiyaha rugta ganacsiga iyo warshadaha Jubbaland ayaa waxaa soo qaban qaabiyay kana soo qeyb galay ganactada deegaannada Jubbaland.

Musharaxiinta u tartamayay xilka guddoomiyaha rugta ganacsiga Jubbaland oo kala ahaa Xuseen Raabi Kaahin iyo Diinle Maxamed ayaa codka loo qaaday, waxaana guddoomiyaha cusub ee rugta ganacsiga Jubbaland loo doortay Xuseen Raabi Kaahin oo helay 51 cod halka Diinle Maxamed uu ka helay 19 cod, guud ahaan 70 qof oo codeysay.

Ganacsatadii munaasabadda kasoo qeyb gashay ayaa boggaadiyay guddoomiyaha cusub una rajeeyay inuu kasoo baxo shaqada adag ee loo igmaday.

Rugta ganacsiga Jubbaland ayaa bulshada u qabata adeegyo badan oo ay ugu horeeyaan ka warheenta xaaladda ganacsatada,xalinta khilaafaadka, iyo maalgalinta iyo kor u qaadidda ganacsatada yaryar, iyadoo la kaashaneysa shirkadaha dhaqaalahoodu uu sareeyo.

Dhawaan ayey ahayd markii argagaxisada Al-shabaab ay weerar ismiidaamin ah ku dileen guddoomiyihii rugta ganacsiga Jubbaland, Allaha u naxariistee Shaafi Raabi Kaahin oo kasoo baxayay masjid uu ku tukaday salaadda Jimcaha.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-2aecf255-c03d-4c71-8516-31f56c0ea2da.jpg 66765dce-45c2-4936-b0b9-e987d9b5c86c 2aecf255-c03d-4c71-8516-31f56c0ea2da 3b3c742f-9c32-48a9-9726-ff0705076f7e 13f92299-2e7f-4d37-a5be-4d0143a5f8b8 24e24130-1595-40d0-95f0-24c21354dc933b3c742f-9c32-48a9-9726-ff0705076f7e.jpg 13f92299-2e7f-4d37-a5be-4d0143a5f8b8.jpg 24e24130-1595-40d0-95f0-24c21354dc93.jpg 66765dce-45c2-4936-b0b9-e987d9b5c86c.jpg 13219201-d962-4eaf-8abf-889d93064f0b.jpg c47aa1f5-24a0-47ed-9428-960b7a492edc.jpg cf5ad7bd-8947-4a17-b250-73a5373b1cc8.jpg f838ae1b-e69d-43a9-98bd-44a47a71d1ce.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this