Deeq A. Posted October 7, 2020 Xarakada Al-Shabaab ayaa sii deysay labo dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba oo sannad iyo bar ka hor ay ka soo afduubeen gobalka Waqooyi Bari ee dalka Kenya. Sarkaal sare oo ka tirsan sirdoonka Soomaaliya oo la hadlay wakaalada wararka ee AP ayaa sheegay in wada xaajood socday muddo bilooyin ah kadib la sii daayey dhaqaatiirtaasi. Sarkaalkaasi oo magaciisa qariyey ayaa ka gaabsaday inuu bixiyo faah-faahino dheeraad ah oo ku aadan qaabkii loo sii daayey dhaqaatiirtaasi ajanabiga ah. Ilo lagu kalsoon yahay ayaa wakaalada wararka ee AP u xaqiijiyey in dowladda Cuba ay dowladda federaalka ah ka codsatay in qaab wada-hadal ah lagu sii daayo dhaqaatiirta. Sidoo kale waxaa ka hor inti aan la sii dayn la soo bandhigay muuqaal fidiyow ah oo muujinaya in ay nool yihiin labadaasi dhaqtar ee u dhashay wadanka Cuba. Wasiirka arrimaha dibadda ee Cuba, Bruno Rodriguez ayaa baraha bulshada ku shaaciyey sii deynta labadaasi dhaqtar oo gacanta Al-Shabaab ku jiray muddo sanad ka badan. Ugu dambeyn wuxuu mahad celiyey dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo uu sheegay in ay door weyn ka qaadatay sii daynta labadaasi dhaqtar, balse lama oga in dowladda Cuba ay soo deynta dhaqaatiirtaasi ku bixisay lacago madax furasho ah. View the full article Share this post Link to post Share on other sites