Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Lix ka mid ah ciidamada dowladda oo qarax lagu dilay

Recommended Posts

Deeq A.   

Balcad (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya Gobolka Shabeellada Dhexe ayaa sheegaya in weerar miino ah lala beegaday ciidamada dawladda Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay 6 askari ayaa lagu dilay, 4 kalana waa lagu dhaawacay ka dib markii qarax miino loo dhigay gaari ciidan oo ay la socdeen, duleedka galbeed ee degmada Balcad oo 30km dhunaca waqooyi ka xogta Muqdisho.

Ilo xog ogaal ayaa VOA u xaqiijiyay in gaariga qaraxa loo dhigay uu ka tagay Balcad kuna socday degaanka Daniga oo dhawaan ay ciidamada dowladda saldhig ka dhigteen.

Laba askari oo ka mid ah ciidankii gaariga saarnaa ayaa qaraxa ka badbaaday, iyadoo afarta askari ee dhaawaca loo qaaday magaalada Muqdisho si loogu dhabiibo, sida ay ilaha xog ogaalka ah noo sheegeen.

Sidoo kale galinkii hore ee maanta laba qof oo shacab ah oo saarnaa mooto ayaa iyagana lagu dilay degaanka Basra oo u dhaxeysa Balcad iyo Afgooye

Weli cid sheegatay ma jirto weerarka, hase yeeshee weerarrada ka dhacay degaankaas waxaa inta badan gaysta ururka Al-Shabaab, sida ay aaminsan yihiin mas’uuliyiinta amniga ee Soomaaliya.

Xigasho: VOA

The post DEG DEG: Lix ka mid ah ciidamada dowladda oo qarax lagu dilay first appeared on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this