Sign in to follow this  
Deeq A.

Dal qorsheyneya in uu mamnuuco Guurka Xaasaska badan,Qofkii Xaasas badan qabana la tarxiili doono+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Dal qorsheyneya in uu mamnuuco Guurka Xaasaska badan & Shahaadada…….

Faransiiska waxaa ku nool muslimiinta ugu badan ee Galbeedka Yurub
Faransiiska waxaa ku nool muslimiinta ugu badan ee Galbeedka Yurub

Dowladda Faransiiska ayaa bilowday qorshe ay kusoo xireyso ama ku ganaaxeyso dhakhaatiirta bixiya shahaadada xaqiiijineyso bikranimada gabdhaha.

Wuxuu sidoo kale qorsheynayaa in dalkiisa uu ka mamnuuco guurka xaasaska badan.

Waxay arrintani qeyb ka tahay qorshaha madaxweynaha Faransiiska Emmnauel Macron uu ku doonayo inuu ku meel mariyo sharci adag oo uu sheegay inuu ku xakameynayo waxa uu ugu yeeray “Muslimiinta gooni u goosadka ah” si uu u difaaco mabaadiida cilmaaniga.

Balse urur qaabilsan talooyinka ilmo iska soo xaaqista ayaa sheegaya ‘In hubinta bikranimada’ ay tahay arrin u baahan wacyigelin xooggan.

Qaramada Midoobey waxay amar ku bixisay in la joojiyo arrintani maadama ay tahay xaadgudub ah ka dhanka xuquuqul insaanka.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska wuxuu sheegay in hindise sharciyeedkan aysan si buuxda uga doodin xildhibaanada- wuxuu soo jeedinayaa in 18,100.36 oo doolar lagu ganaaxi karo dhakhtar kasta oo lagu helo in uu bixiyay shahaado caddeyneyso in gabadha ay bikro tahay.

.

Sida uu baahiyay telefishinka laga leeyahay Faransiiska ee 3 TV, boqolkiiba 30 dhakhaatiirta dalkaas waxaa laga codsaday inay bixiyaan shahaadadaas isla markaana ay diideen.

Marlène Schiappa oo ah wasiirka Faransiiska u qaabilsan muwaadinimada ayaa sheegtay in hindise sharciyeedka la horgeyn doono baarlamaanka bisha Disembar, waxay sheegtay in xeerkan uu ku jiro qodob qeexaya in tallaabo laga qaadi doono dadka sameynayo baaritaanada lagu xaqiijinayo bikranimada.

Sida uu qeexayo sharciga Faransiiska ee hataan, dadka ajaaniibta ah waxaa loo diidi karaa in loo cusbooneysiiyo sharciga ay ku degan yihiin dalkaas waa haddii ay leeyihiin xaasas badan.

Marlène Schiappa waxay sheegeysaa in hindise sharciyeedkan uu u ogonaalayo in Faransiiska laga tarxiili karo dadka guursada xaasaska badan.

Waxaa sidoo kale ku xusan hindise sharciyeedkan in la maxkamadeyn doono cid kasta oo lala xiriiriya guurka gabdhaha da’da yar.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this