Sign in to follow this  
Deeq A.

Turkiga oo xidhay Sarkaal Mareykan ah oo AMISOM la shaqeeya+Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Turkiga oo xidhay Sarkaal Mareykan ah oo AMISOM la shaqeeya+Sababta

 sarkaal.jpg

Ciidamada booliska dalka Turkiga ayaa gacanta ku dhigay sarkaal Ameerikan ah oo la sheegay inuu gacan saar la lahaa howl-galka midowga Afrika ee AMISOM, sida uu maanta baahiyay wargeyska Daily Sabah.

Wargeyska ayaa sheegay in Mark John Xenakes oo dhalasho ahaan kasoo jeeda dalka Mareykanka, gaar ahaan gobolka Pennsylvania loo xidhay in uu galay xuduud uusan ogolaansho u haysan.

John ayaa diyaarad drones ah ku kiciyay goob uusan magacaabin wargeysku, balse ciidamada Turkigu u arkayeen xad-gudub, xili uu ku dooday inuusan ogeyn xaalada meesha uu diyaarada ku duuliyey.

Warar kale ayaa sheegaya in goobta uu diyaarada ku duuliyey sarkaalkani ay tahay aag ciidan, oo aan loo ogoleyn in lagu  duulo

John ayaa intii lagu gudo jiray baadhista waxa uu booliska u sheegay inuu la shaqeeyo shirkad duulimaadka qaabilsan, taasi oo qandaraas ka haysata ciidamada Mareykanka.

Sidoo kale waxuu qirtay inuu sarkaal dhanka isgaadhsiinta ah uu ka yahay howl-galka AMISOM, maadama ay shirkada uu ka tirsan yahay ay wada-shaqeyn ka dhaxeyso midowga Afrika.

Xenakes ayaa dib u helay xoriyadiisa saacado badan kadib, iyada oo lagu soo rogay bixinta lacag ganaax ah oo cadadkeeda aan si dhab ah loo shaacin.

Dowladda Ankara ayaa inta badan ganaax lacageed oo culus dul dhigta dadka drones-ka ku duuliya goobaha aan la ogoleyn, midaasi oo looga hortagayo khataro amni oo ka dhalan kara.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this