Sign in to follow this  
Deeq A.

Baaritaanno Amni oo Lagu Sameynayo Dhammaan Shaqaalaha Dowladda

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukumadda federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday baaritaanno in  lagu samaynayo dhammaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, sida lagu sheegay war qoraal ah oo kasoo baxay sii hayaha wasaaradda shaqada Sidiiq Xirsi Warfaa, waxaana la sheegay in looga golleeyahay sugidda amniga.

Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale la faray dhammaan wasaaradaha dowladda in ay hey’adda Nisa kala shaqeeyaan, sidii hubin amni iyo baaritaanno loo marsiin lahaa dhammaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladda, baaritaanka ayaana u badnaan doona wareysi dhinaca amniga ah, Nisana ay sameyn doonto baarintaanka  ayaa lagu yiri.

Halkaan Ka Akhriso

Warqadda-1.jpg

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this