Sign in to follow this  
Deeq A.

Gaari ay la socdeen dad shacab ah oo lagu rasaaseeyey Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxo hubeysan oo ku labisnaa dareeska ciidamada dowladda ayaa xalay gaari ay la socdeen dad shacab ah ku rasaaseeyey qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Gaariga oo ahaa nooca raaxada ayaa waxaa wadada u dhexeysa Ex-Control Afgooye iyo Xoosh u galay kooxdaasi oo rasaasi xoogan ku furtay rakaabkii la socday.

Ugu yaraan saddex qof ayaa ku dhintay falkaasi, iyadoona ay ku dhaawacmeen tiro kale, sida uu inoo xaqiijiyey Daahir Sheekh Cabdullahi oo ka bad-baaday weerarkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in kooxdaasi ay dooneysay inay dhac u geysatao gaariga la rasaaseeyey iyo dadka la socday oo ka soo baxay dhanka Ex-Control Afgooye.

Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dhacdadaasi.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa Muqdisho ka dhacayey falal ammaan dari oo isugu jira dilal iyo dhac xilliyada habeenkii ah loo geysto dadka rayidka ah.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this