Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-Shabaab oo weerar khasaare geystay ka fulisay dalka Kenya

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yaraan sideed ruux ayaa lagu dhaawacay, kadib markii rag hubeysan ay weerar ku qaadeen gaari Bas ah oo marayey gobalka Waqooyi Bari, siday sheegeen saraakiil ka tirsan Booliiska dalka Kenya.

Gaarigaasi oo ay saarnaayeen dad badan oo rakaab ah, una kala gooshayey magaalooyinka Mandera iyo Nairobi ayuu weerarka ku qabsaday deegaan ku dhaw magaalada Daba.

Saraakiil ka tirsan Booliiska Kenya ayaa sheegay in weerarkaasi looga shakin sanyahay in ay geysteen dagaalyahanada Al-Shabaab oo fadhigoodu uu yahay Soomaaliya.

Taliye ku xigeenka Booliiska Mandera Joshua kitakwa ayaa xaqiijiyey in weerarkaasi ay ku dhaawacmeen qaar ka mid rakaabkii saarnaa gaariga oo ku sii jeeday magaalada Nairobi.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in aysan jirin wax dhimasho ah, iyadoo wararka laga helayo isbitaallada ay sheegayaan in tirada dadka dhaawacmay ay tahay sideed ruux oo afar ka mid ah xaaladooda ay culus tahay.

Ciidamo ka tirsan Booliiska Kenya ayaa sidoo kale gaaray goobta uu ka dhacay weerarka khasaaraha geystay, waxaana sheegeen in ay ku raad joogaan ragga duulaanka qaaday

Weerarkan ayaa yimid, xilli maxkamadda magaalada Nairobi ay xukumeyso saddex ruux oo lagu eedeeyay in ay ku lug lahaayeen weerar dad badan ay ku dhinteen oo sanadkii 2013-kii lagu qaaday suuqa Westgate Mall oo ku yaalla magaalada Nairobi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this