Sign in to follow this  
Deeq A.

Faah faahino ka soo baxaya weerar xalay ka dhacay Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar loo adeegsaday hoobiyeyaal oo xalay Xarakada Al-Shabaab ay ku qaaday magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu beegsaday garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaaladaasi.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in madaafiicdu ay gaarayeen ku dhowaad illaa 10, islamarkaana ay qaarkood ku hoobteen agagaarka garoonka Dhuusamareeb.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dhankooda ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti oo degan garoonka ay ku jawaabeen madaafiic ama hoobiyeyaal.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay hoobiyeyaasha ay is-weydaarsadeen labada dhinac.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana ciidamada huwanta ay dhaq-dhaqaaqyo ka bilaabaya deegaano dhaca duleedka magaalada Dhuusamareeb ee G/Galgaduud.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this