Sign in to follow this  
Deeq A.

Facebook iyo Twitter oo qariyay farriin Trump soo dhigay oo ku saabsan COVID-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkadda Facebook, ayaa saartay farriin uu soo dhigay Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, taas oo uu ku sheegay in xanuunka COVID-19 uu ka khatar yar yahay Hargabka caadiga ah.

Shirkaddu waxay sheegtay, in Madaxweyne Trump uu ku xad-gudbay Sharciga u degsan baraha bulshada ee la xiriira in aan la soo dhigin farriimo qaldan ama marin-habaabin ah.

Waxaan tirnay farriin khaldan oo ku saabsan khatarta uu leeyahay Covid-19, hadda ayaanna farriintaasi tirnay” ayuu yiri Andy Stone oo ah Maareeyaha isgaarsiinta Facebook.

Sharcigu wuxuu shirkadda u fasaxayaa, in ay saarto ama tirto farriimaha ay u aragto in ay xambaarsan yihiin been-abuur, aflagaaddo, ama xadgudubyo kale.

Sidoo kale, shirkadda Twitter ayaa qarisay farriinta Mr. Trump, waxaana ay ku tilmaantay mid xambaarsan marin-habaabin bulsho, islamarkaana farriin qaldan ka gudbinaysa xanuunka COVID-19.

Facebook iyo Twitter, ayaa horay sidaan oo kale u tiray farriimo uu soo dhigay Madaxweyne Donald Trump, kuwaas oo ay ku tilmaameen in ay xad-gudub ku yihiin sharciga baraha bulshada.

PUNTLAND POST

The post Facebook iyo Twitter oo qariyay farriin Trump soo dhigay oo ku saabsan COVID-19 appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this