Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo madaafiic ku weeraray garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Dableey hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa lagu soo warramayaa in ay saqdii dhexe ee xalay weerar ku qaadeen garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee magaalada Dhuusamareeb.

Dableeyda ayaa  madaafiic ku garaacay saldhiga Ciidamada AMISOM gaar ahaanna kuwa Jabuuti ku leeyihiin gudaha garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb waxaana la soo weriyay in madaafiicda qaarkood ku dhaceen gudaha garoonka.

Dadka degaanka ayaa laga soo xigtay in ay saqdii dhexe ee xalay maqlayeen dhawaqa madaafiicda Al-shabaab ku garaacaysay gudaha garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin Ciidamada Jabuuti.

Sidoo kale Ciidamada ayaa la sheegay in ay jawaab-celin ka bixiyeen weerarka Al-shabaab inkastoo aan faahfaahin laga helin khasaaraha ka dhashay weerarka.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo madaafiic ku weeraray garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this