Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaritaano Amni lagu samaynayo

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in baaritaanno dhanka Amniga ah iyo dib u diiwaan-gelin lagu samayn doono dhammaan Shaqaalaha kala duwan ee hay’adaha dowladda.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska sii-haya Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Soomaaliya Saddiiq Xirsi Warfaa, ayaa lagu sheegay in dhammaan shaqaalaha dowladda la marin doono baaritaanno Amni oo lala yeelan doono wareysi, islamarkaan dib u diiwaan-gelin lagu samayn doono, si loo hubiyo bed-qabka Amni ee shaqaalaha iyo xarumaha dowladda.

Qoraalka oo ku taariikhaysan saddexdii bishan October, waxaa sidoo kale lagu caddeeyay in baaritaanka ay samayn doonto hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka dowladda Federaalka ee NISA, waxaana shaqaalaha laga codsaday in ay la shaqeeyaan hay’adda.

Hoos ka akhriso Qoraalka Wasaaradda

QORAALKA.jpg?resize=696%2C969&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Shaqaalaha dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaritaano Amni lagu samaynayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this