Sign in to follow this  
Deeq A.

Trump oo doonaya in uu ka qayb-galo doodda labaad ee Musharraxnimada Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   
Debate.jpg?resize=1000%2C562&ssl=1

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay ka qayb-galka doodda labaad ee uu la yeelanayo musharraxa Xisbiga Dimoquraaddiga Joe Biden.

Qoraal kooban oo uu xalay soo dhigay bartiisa Twitter-ka, ayuu ku sheegay in uu diyaar u yahay ka qayb-galka doodda oo 15-ka bishan ka dhici doonta magaalada Miami ee Gobolka Florida.

Madaxweyne Trump, oo Jimcihii laga helay xanuunka COVID-19, ayaa Isniintii todobaadkan ka soo baxay isbitaalka Walter Reed ee duleedka magaaladan Washington, halkaas oo maalmo lagula tacaalayay xaaladdiisa Caafimaad.

Ururka qaban qaabiya doodaha madaxtinimada Mareykanka, ayaan dhankodoa weli ka jawaabin hadalka ka soo yeeray madaxweyne Donald Trump ee ku aaddan in uu diyaar u yahay doodda.

Dhinaca kale, musharraxa xisbiga dimoqraadiga ee doorashada madaxtinimada, Joe Biden ayaa xalay wariyaasha u sheegay, in aanan la qaban doodda qorsheysan in ay dhexmarto isaga iyo Trump, haddii madaxweynuhu weli xanuunsanyahay.

PUNTLAND POST

The post Trump oo doonaya in uu ka qayb-galo doodda labaad ee Musharraxnimada Maraykanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this