Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay Abaan-duulihii Hawlgelinta Al-shabaab iyo xubno kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Ciidamada Milateriga Soomaaliya, ayaa shaaciyay in ay weerar qorshaysan ku dileen Abbaan-duulihii Hawlgelinta Xoogaga Al-shabaab iyo xubno kale oo ka tirsan Ururkaasi.

Wakaaladda Wararka SONNA, oo xiganaysa saraakiil ka tirsan Taliska Milateriga Soomaaliya, ayaa sheegtay in xubnaha lagu dilay weerar qorshaysan oo Ciidamadu ka fuliyeen nawaaxiga Degaanka Bariire ee Gobolka Shabeellada Hoose.

Abbaan-duulihii Hawlgelinta Xoogaga Al-shabaab Horjooge Ciisa Tima-weyne iyo Madaxii Al-shabaab u qaabilsanaa Sakawaadka Gobolka Shabeellada Hoose, oo magaciisa lagu koobay Horjooge Qooreey iyo 10 dagaallame oo kale ayaa lagu dilay weerarka sida ay sheegtay SONNA.

Balse, dhinaca Al-shabaab weli kama hadlin sheegashada dowladda, islamarkaana ma jirto cid si madax-bannaan u xaqiijisay warkaasi.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay dishay Abaan-duulihii Hawlgelinta Al-shabaab iyo xubno kale appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this