Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Guurtida Somaliland oo ansixiyey xeerka doorashooyinka

Recommended Posts

Deeq A.   

Golaha Guurtida Somaliland ayaa ansixiyey xeerka guud ee doorashooyinka Qaranka iyo diiwaan galinta cod-bixiyayaasha, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Hargeysa.

Fadhigan oo ay soo xaadireen illaa 53 mudane ayaa goluhu cod aqlabiyad leh ku meel-mariyey xeerkaasi.

Guddoonka Golaha Guurtida ayaa sheegay in xeerkaasi ay ogolaadeen illaa 49 xildhibaan, sidoo kale laba xildhibaan ayaa diiday, halka xildhibaan kalena uu ka aamusay.

Somaliland ayaa isku diyaarineyso doorashooyinka ku soo food leh, iyadoo guddiga komishanka uu wado qab-qabo ku aadan doorashadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this